NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Diyarada Daallo ayaa goor dhaw oo caawa ah si nabad ah ku geysay rakaabkii ay siday garoonka Joma-Kenyata ee Magaalada Naiorobi kadib markii ay Galabta mar ku degi waysay isla garoonkaani.

Diyaaradaan oo Galabta rakaab ka  qaaday Muqdisho una soo waday Kenya ayaa roobab waa weyn oo da’ayay darteed lagu amray inay rakaabka u weeciso Magaalada Mombasa oo ay saacado fadhisay.

Advertisement

Daallo ayaa ugu danbeyn Caawa rakaabkii ay Muqdisho ka soo qaaday 9 saac Galabnimo waxay u suurtagashay caawa inay Nairobi keento rakaabka roobabkaasi dartiis.

Diyaarada ayaa socodkeedu ahaa Muqdisho To Nairobio balse roobabka dartiis iyo diyaarada oo galabta degi weysay ayaa keentay duruuftaasi inay rakaabku caawa gaaraan halkii ay isla galabta balantu ahayd inay Nairobi soo gaaraan.

Maxamed Khadar Ibraahim oo ah wariye Spors oo ka mid ahaa Rakaabka Galabta Xamar laga soo qaaday ayaa bartiisa Facebook ku cadeeyay caawa inay si nabad ah ku soo gaareen Joma-Kenyata.

May be an image of 1 person and drink

May be an image of fog and oil refinery

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleSomalia oo ka qeybgashay shirka sanadlaha ah ee Interpol
Next articleGudoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo soo bandhigay sawirka Askari maanta dil gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here