Gen. Mukhtaar oo u digay Ciidanka Booliska

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxa uu sheegay dalka in ay ka dhacday Doorasho, si nabad gelyo ahna ay ku soo dhamaatay, waxa uu uga digay Booliska in ay ku mashquulaan waxyaabo aanan shaqadooda aheyn.

Sidoo kale Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay Booliska in laga doonayo in uu ka warqabo xaalada uu dalka ku sugan yahay, maadaama nabad gelyada guud ee dalka uu xil ka saaran yahay, loona baahan yahay in mar walba ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Mukhtaar muhiim in ay tahay dhaq dhaqaaqa in lala socdo, si looga hortago la isagana difaaco kooxaha mararka qaar weerarada iyo Qaraxyada geysta.
Doorashadii Soomaaliya ka dhacday waxaa si weyn ugu lifaaqnaa Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Booliska, maadaama dhowr jeer oo hore lagu eedeynayay in ay gafeen shaqadooda oo ay ku dhex milmeen Doorashada.

English News
WARARKII