Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka Oo Shir Gudoomiyey Kulan Looga Hadlaye dhaqangelinta shuruucda badqabka gaadiidka & nabad gelyada waddooyinka Ee Ka Dhacday W.G.D.H

0

 

 

 

Wasaaradda Gadiidka Duulista Hawada ayaa isku yeertay Kulan  oo ujeedkiisu ahaa dhaqan gelinta mashruuca tijaabada badqabka gaadiidka iyo nabad gelyada waddooyinka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda,xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka kala socotay taliska tarafikada,CID,iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gaadiidka iyo ganacsatada.

Agaasimaha waaxda Diwaangelinta Gaadiidka Rayidka ee wasaaradda Fisha P.R.A gaadiidka Hibaaq Saalax Cumar ayaa sharaxday sharciyada muhiimka ah oo ay tahay in la dhaqan geliyo.

“ Shurudaha gaadiidka laga rabo,tijaabada badqabka Gaadiidka in uu ka gudbo kow,Bareega Gaadiidka dhammaan taageerada Bareega waa inuu u qabtaa si isku mid ah,faroodooyinka horey iyo gadaal waa in Hilibkoodii uu joogo,Bareega A, B iyo C wuxuu u kala saarayaa qeybaha guud ahaan laga rabo in uu ka wanagsanaado,qeybta labaad gaarigu waa in uu ka wanagsanaado Taayeerada Gaadiidka waa in ay yihiin kuwo siman oo aan kala gaabnayn”. Ayay Tiri agaasime Hibaaq.

Dhammaan xubnihii kala duwanaa ee halkaais ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo nabad gelyada wadooyinka.

Awesy Macalin Yarow taliyah qeybta nabad gelyada wadooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay xoojin doonaan dowrkooda kaga aadan dhaqan gelinta shuruucda nabad gelyada iyo badqabka gaadiidka.

Agaasimaha Guud Ee W.G.D.H Mudane Cali Gacal Gaabow ayaa siweyn uga hadlay sharciyadan ay tahay in la dhaqan geliyo si loo ilaaliyo badqabka gaadiidka iyo nabad geliyada wadooyinka asigoo ka digay in la ilaaliyo sharciga wadista gaawirada iyo meelihii ay lahaan jireen Bustoojooyinka gawadadi la dhigan jiray in dib loo so celiyo.

“Haddii aan wada shaqeyn oo boolisku uusan shaqeyn, gobolka uusan shaqeyn,daladda gaadiidka aanay shaqeynin ama ganacsatada gaadiidka, magaari karno minimum standar,waxaa aan rabno marka waxaa waaye in gudiga gaadiidka Xamuulka ah in ay wacyigashan yihiin oo ay shaqeeeyaan,baabuurka Dekedda galaya waa in uu yahay minimum Standar asigoo ka codsaday laamaha amniga ee qaabilsan ilaalinta wadooyinka in ay si wadajir ah ula shaqeeyan shirkadaha iyo Gadiidleyda  ”. Ayuu yiri agaasime Cali Gacal.

Sikastaba ha ahaate wuxu shirkaan daba socda shir bishii janaayo dabayqadeyda lagu qabtay hotel Durban kaa oo looga hadlay in la dhaqan galiyo Mashruuca badqabka tijaabada Gadiidka waxana goob joog ahaa masuuliyiinta gobalka banaadir wasiirka gadiidka iyo ganacsatada iyo Hay’addaha amniga waxaana la isku afgartay in howsha si dag dag loo howlgaliyo .

 

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here