Al-Shabaab oo Gedo ku dilay askar ka tirsan Jubbaland

0

.Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo  dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay waxaa uu dagaal culus  ku dhexmaray Deegaan lagu magacaabo  tuulo barwaaqo oo ka tirsan Gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka Noocyadiisa kala duwan, iyadoona mudo saacadaha uu dagaalkaasi ka soconayay Deegaanka Tuulo Barwaaqo.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Shan Askari oo ka tirsan Ciidanka jubaland ay Al-shabaab meydkooda saaka ku soo bandhigeen Degaanka tuulo barwaaqo ee Gobalkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Saakay Cabsi badan ay ka jirto Deeganka tuulo barwaaqo.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku faahfaahiyeen dagaalka xalay ka dhacay deegaanka tuulo barwaaqo ee Gobalka Gedo.

Shabaab ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidamada Jubbaland, waxaa ayna sheegeen in ku dhawaad 5 askari oo ka tirsan Jubbaland ay dagaalka ku dileen.

Sidoo kale waxaa shaaca ka qaaday in ay dileen sarkaalkii hogaaminayay dagaalka ka dhacay Deegaanka tuulo barwaaqo, kaasi oo  magaciisa lagu soo gaabiyay Fanax.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka Jubbaland iyo maamulka Gobalka Gedo, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahiyeen dagaalka ka dhacay deegaanka tuulo Barwaaqo.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen deegaano  ka tirsan Gobalka Gedo.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here