AMISOM oo Tababar u fureysa Booliska Hirshabeelle

Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan Tababar ay u furayaan Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle, tiradoodana lagu sheegay Kun Askari.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in 600 Askari ay ka imaan doonaan magaalada Beledweyne,halkas 400 oo Askarina ay ka imaan doonaan oo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

“AMISOM waxa ay sii wadi doontaa in ay ku tabarucdo qalab dheeraad ah, waxayna cusboonaysiin doontaa saldhigyada Booliska, si loo xaqiijiyo ujeedooyinka ciidamada Booliska Soomaaliyeed (SPF),” Ayuu yiri Chikunguru Maxwell, oo ah Isku duwaha Booliska Dib-u-dhiska iyo Horumarinta AMISOM.

Tababarkan ayaa lagu hormarin doonaa xirfadaha ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle  si ay u noqdaan kuwo xirfad u leh ilaaliyinta dadka Soomaaliyeed.

Maxwell ayaa hadalkan sheegay kadib markii wafdi ka socda saraakiisha sare ee Booliska ee AMISOM iyo SPF ay soo afjareen booqasho qiimeyn ah oo laba maalmood ku aadeen goobaha tababarka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

General Maxamed Cabdi Bashiir, Ku-xigeenka Taliyaha Booliska ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay ku shaqeeyaan xaalad adag , wuxuna sheegay in ay  go’aansadeen si iskaa wax u qabso in ay ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada maamulka Hirshabelle.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII