Axmed Madoobe oo cadeeyey halka uu ku dambeeyey khilaafkii dowladda & Maamulka Jubbaland

0

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu horay u jiray Mad madow soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, hayeeshee tan iyo wixii ka dambeeyey Xafladii Garoowe uu socday wadahadalo lagu xalinaayey.

Waxa uu sheegay in safarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo lagu dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana wax walba si hoose xal looga gaaray.

Dhawaan ayuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland in uu imaan doono Magalada Muqdisho si uu kulan ula qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana ka wada hadlaan dhameystirka iyo xalinta mad madowgii ka dhex jiray dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

“Waxaan garawsaday in Madaxweyne Farmaajo aan fadhigiisa ugu tago oo lama huraan ayay ila noqotay,marwalba anaga ayaa dowladda wadahadal ugu baaqi jirnay,laakin waxaa muhiim ah in la abuuro kalsooni Shacab iyo mid dowladeed,laakin kulankii aan la qaatay ra’iisul wasaaraha waxaan ku heshiinay in qodob qodob loo dhameeyo khilaafkii jiray ayuu yiri Axmed Madoobe.

Safarkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu ku tagay Magalada Kismaayo dad u badan Siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay,kuwaas oo qaarkood sheegayay in Ra’iisul Wasaaraha uu wado ol ole Siyaasadeed halka qaarkood ay ka dalbadeen in uu cadeeyo mowqifka dowladda ee doorashada dhawaan ka dhaceysa Jubbaland.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here