Caro ka dhalatay dumarka sucuudiga oo xusay Maalin Qaran

Dumarka ayaa loo ogolaaday Fagaaraha Boqor Fahad markii ugu horeysayDumarka ayaa loo ogolaaday Fagaaraha Boqor Fahad markii ugu horeysay

Dowladda Sucuudiga ayaa wajeheyso dhalleeceyn xoog badan oo loo marinayo baraha bulshada, ka dib markii dumarka ay u ogolaatay in ay ka qeybgalaan dabaaldegga Maalinta Qaran, markii ugu horeysay.

Munaasabadda waxay ka dhacday fagaare lagu magacaabo Boqor Fahad oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyaad.

Dumarka waxaa loo ogolaaday in ay garoonka galaan, ayna fariistaan meel haweenka gaar u ah. Boqortooyada Sucuudiga waxay caan ku ahayd sida adag ee dumarka ay u xakameyso.

Sucuudiga ayaa xusaya 87-sano guurada ka soo wareegatay aasaaska boqortooyada, waxaana maalin qaran ka dhigay 2005-tii, Boqorkii hore Cabdalla.

Dabaaldegga sanadkan waxaa qeyb ka ahaa Hiigsiga Amiir Maxamed bin Salmaan ee 2030-ka.

Wuxuu soo bandhigay qorshayaal uu ka mid yahay in la yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka lana sameeyo meelo kale oo dhaqaale ay ka helaan, sida warshadaha iyo dalxiiska.

Munaasabadda sanadkan waxaa qayb ka ahaa xaflado iyo ciyaaro lagu qabtay jidadka iyo heeso.

Sharciga Sucuudiga ayaa dhigayo in dumarka ay jirkooda oo dhan qariyaan, ayna xirtaan xijaab haddii ay Muslimiin yihiin, marka ay meelaha shacabka ku badan yihiin imaanayaan,

Sidoo kale, looma ogola in ay gaari kexeeyaan, in ay dhexgalaann rag aysan qaraabo la ahayn, iyo in qof rag oo masuul ka ah uu u raaco meelaha ay aadayaan.

Ragga masuulka ka ah waxay noqon karaan oo keli ah, aabaheed, walaalkeed ama saygeeda, marka ay doonayaan in ay safraan ama shaqo aadaan ama cisbitaallada aadayaan.

‘Wadaniyadda dembi ma ah’

Inkasta oo munaasabadda ay aad u buunbuuniyeen warbaahinta, hadana baraha bulshada aad ayaa loogu weeraray qabanqaabiyayaasha.

Kumannaan qof ayaa diray farriimo ay ku taageerayaan bandhigga qaran iyo wadaniyadda, hadana waxaa dadka qaar ay dhalleeceeyeen ka qeybgalka dumarka.

“In qofka ay ku fogtahay wadaniyadda dembi ma aha. balse waxa la sameynayo Alle iyo rasuulkiisa kuma farxayaan. Wadaniyadda ma ahan qoob ka ciyaar, is dhexgal iyo muusig. Waa waqti layaab leh,” ayuu qoray mid ka mid ah dadka Twitter-ka isticmaala.

Dadka qaar waxay dalbanayaan in la soo celiyo booliska dhowridda diinta, kuwaas oo aan loo ogolaan in ay qof xiraan, tan iyo markii awoodooda la dhimay 2016-kii.

Muuqaal ka nin dadka dabaaldegaya u sheegaya “ma xishooneysaan, diin malihidiin, qabiil malihidiin” ayaa si aad ah ugu faafay Twitter-ka.

Sharciga Sucuudiga ayaa amarro badan dul dhigay dumarka Msulimiinta ahLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSharciga Sucuudiga ayaa amarro badan dul dhigay dumarka Msulimiinta ah

Calaamadda hashtag-ga (#) ee ay sameeyeen waxaa la isticmaalay ku dhowaad 200 kun oo goor, dadka oo dhanna waxay dalbanayaan in la joojiyo arrinta.

Laakiin waxaa jiray dad taageersan tallaabada dowladda kana soo horjeeda ololaha ay billaabeen dadka diinta ku adag ee ka soo horjeeda in dumarka ay dabaaldegyada ka qeybgalaan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII