Caruur dhimatay markii ay doon la qallibantay

Doomaha India ayaa inta badan la buux dhaafiyaa, ayadoo heerkooda bedqabkana uu liito.Doomaha India ayaa inta badan la buux dhaafiyaa, ayadoo heerkooda bedqabkana uu liito.

Hawlgal samatabixin ah ayaa soconaya, ka dib markii doon sidday 40 ilmood oo ciyaal iskuul ah ay ku qallibantay meel ka baxsan xeebaha India oo u dhow Mumbai.

32 ilmood ayaa la soo samata bixiyey, ilaa hadda, laba meydna waa la helay, sida ay wararku sheegayaan.

Maraakiibta ayaa loo duwan meel aan ka fogayn oo ah Dahanu, oo ka tirsan gobolka Maharashtara.

Doonta ayaa la sheegay inay aad u buuxday, carruurtana aysan xirnayn jaakadaha badbaadada, sida ay ku warrantay jariidadda the Times of India.

Ilaalada xeebaha ee India waxay sheegeen in laba meyd la helay. Madaxweynaha India Ram Kovind ayaa u tacsiyeeyey qoysaska ay caruurtu ka dhinteen.

Doomaha India ayaa inta badan la buux dhaafiyaa, ayadoo heerkooda bedqabkana uu liito, taasoo micnaheedu yahay in shilalku ay yihiin kuwo soo noqnoqda.

“Hawlgal samata bixin ah ayaa socda. Dhamaanba saraakiisheenna maxalliga ah iyo shaqaalaheenna goobta ayey ku sugan yihiin. Kooxo samatabixin oo qaybo kale ka socda ayaa iyagana halkaa jooga” sidaa waxaa yiri sarkaal sare oo booliska ka tirsan oo ay soo xigatay jariidadda Indian Express.

Shil kaas ka duwan ayey seddex qof ku dhinteen markii helikobter ay la socdeen ay ku dhacday meel ka baxsan xeebta Mumbai.

Helikobterku waxay sidday 5 qof oo ahaa shaqaale u shaqaynayey shirkad shidaal oo la yiraahdo ONGC iyo laba duuliye, markii la waayey 15 daqiiqo ka dib markii ay ka kacday Juhu.

Bishii Nofembar ayey 16 qof dhinteen markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay gobolka koofurta ku yaalla ee Andhra Pradesh.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII