Ciidamada Puntland oo dhaq dhaqaaq Ciidan ka wada Sool 

Sool-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Ciidamada Maamulka Puntland ay Gobolkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ka baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe, kuwaasi oo dadka degaanka ay soo sheegayaan in ay aad u hubeysan yihiin.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay Ciidamda Puntland in ay afka saareen dhanka degaanka Tukaraq oo ay ku sugan yihiin Ciidamda maamulka Somaliland, ayna ka cabsi qabaan in markale uu dhaco dagaal kale.

Siddeedii bishan Ciidamada Maamulka Puntland oo gacanta ku hayay degaanka Tukaraq iyo Ciidamda Somaliland ayaa waxa ay ku dgaalaameen degaankaasi, taasi oo sababtay in Ciidamada Puntland laga fara maroojiyo degaanka, dagaalkaasi wuxuu geystay khasaare kala duwan.

Ciidamada Somaliland ayaa wali gacanta ku haya degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada, waxaana Puntland ay doonaysaa in ay gacanteeda ku soo celiso degaankaasi oo fariisin u ahaa ciidamada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay goor sii horeysay in Puntland ay dhowr jeer ku soo qaaday Weeraro daandaansi ah.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII