Dabka Maraykanka oo dilay 21 ruux oo ay lamaane da’ ah ku jiraan

Charles and Sara Rippey (inset) and one of the wildfires in Napa Valley

Lamaane dhawaan u dabaaldagay 75 guuradii arooskooda ayaa ka mid ahaa 21 ruux oo ku dhintay dabkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka California ee dalka Maraykanka.

Charles Rippey oo 100 jir ahaa iyo xaaskiisa Sara oo 98 jir ahayd ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay 22kii dab ee baabi’iyay 115,000 ee aykar iyo 3,500 ee guri.

Lamaanahan oo asal ahaan ka soo jeeda Wisconsin, ayaa markii u horraysay ku kulmay dugsi hoose sida ay waalashoodu u sheegeen wargayska New York Times.

Deegaanka Sonoma oo ka mid ah goobaha uu dabku dhibka baaxadda leh u gaystay ayay masuuliyiintiisu sheegeen in wali la la’yahay 380 ruux.

Taliyaha booliiska Sonoma Robert Giordano ayaa mar hore sheegay in la la’yahay 670 ruux, wuxuuna intaas raaciyay in xaaladdu ay si dhakhso ah isu badbadalayso.

Charles and Sara Rippey

Wuxuu sheegay in 150 ruux la ogaaday meesha ay ku sugan yihiin uuna filayo in qaar ka mid ah dadkaas aan magacyadooda wali laga saarin diiwaanka dadka la’layahay

Daad gurayn dheeri ah ayaa la amray Arbacadii iyadoo dabayluhu ay dhinac kale u jihaysteen.

Dhammaan dadkii ku noolaa magaalada Calistoga oo ka tirsan deegaanka Napa ayaa loo sheegay in ay isaga tagaan magaalada, waxaa lagu qiyaasay in ay 5,000 oo ruux ku sugnaayeen, booliiskuna waxay hor istaagayaan dhammaan gaadiidkii u socday dhankaas.

Khariidddada goobaha uu wali dabku ka sii kacayo 11 Oktoobar 2017 wakhtiga Maraykanka

map of fires

Sawir muujinaya si uu markii hore ahaa huteelka Hilton ee magaalada Santa Rosa iyo sida uu dabku u galay markii dambe

Huteelka Hilton ee Santa RosaHuteelka Hilton ee Santa Rosa
Journey's End Trailer Park in Santa Rosa
Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII