Dadyowga Islaamka oo maanta u dabaal degaya Munaasabadda Ciidul Adxaa

0

 

 

 

 

 

 

 

Guud ahaan Ummadda Islaamka oo ku kala sugan dalalka caalamka ayaa si weyn ugu dabaal degaya farxada maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku beegan.

Maanta oo ah maalinka Tobonaad ee Bisha Carafo ayaa guud ahaan Muslimiinta ay u tahay maalin ay ku ciidayaan farxad.
Dadyowga Islaamka ayaa subaxa hore ee maanta isugu imaanaya Masaajidada iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Rakacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Shacabka muslimiinta ah ayaa isugu hambalyeynaya maalintan qiimaha badan, waxaana qaarkood ay isku booqanayaan guryaha, si ay muujiyaan farxada Ciidul Adxaa.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here