DEG DEG: Oday Dhaqameed Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Gobalka Baay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta Ciidamada milatariga Soomaaliya weerar qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka degmada Qansax-Dheere ee gobolkaasi.

Weerarkan ayaa la sheegay in Ciidamada dowladdu ay ku dileen Ugaas Cabdiyow oo si weyn looga yaqiinay gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Marxuumkaasi lagu dilay Waddada soo gasha deegaanka Ufurow ee gobolkaasi.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada ee G/ Baay oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi iyo weerarka ay ka fuliyeen halkaasi.

Deegaanka Ufurow iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa ku suguan dagaalyahannada Xarakada A Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolkaasi.

 

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here