Dibadbixii la Qorsheyey in maanta uu ka dhaco muqdisho oo hakad uu galiyey Maamulka Gobolka Banaadir

Wararka laga helayo wadooyinkii la qorsheeyay in uu ka dhaco Dibadbaxa lagu taageerayo Dowlada Somalia oo ay soo abaabuleen qeybha kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa la shegayaa in uu ishotaag ku sameeyey maamulka Gobolka Banaadir.

Ilaa hada waxaa la arkayaa shacab farabadan oo taagan Taaladii Dal jirka Dahsoon oo lagu balamey in ay ku soo banaanbaxaan, ka dibna ay maraan wadooyinka qaarkod sida wadada Maka Al-mukarama, Walow uu maanta Jiro Kulan ay yeelanayaan baarlamnka Somalia oo ku yaal wadooyinka loo diidey dibad baxayaasha oo markii hore u qorsheysnaa.

maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hor yimid mudaharaadkan lagu wadey in maanta uu ka dhaco Magalada muqdisho kaas oo lagu taageri lahaa Dowlada Somalia.

ilaa hada waxaa la dereemayaa in jiraan saasaan ah in wali ay jiraan Abaabuladii ka socdey Muqdisho ee Baanbaxa, Walow uu maamulka Gobolka Banadir joojiyey socodkii ay doonayen in ay ku maraan wadada ay qorsheysteen ee Maka Al Mukarama .

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII