Diyaradaha Mareykanka oo 3 weerar ka fuliyay Soomaaliya

 War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in iyada oo xiriir lala sameeyey dowladda Soomaaliya, uu ciidanka AFRICOM fuliyey Saddex weerar oo dhinaca cirka ah oo bartilmaameedsan.

Weeraradaas ayaa war saxaafadeedka lagu sheegay in lagu qaaday ururka Al-Shabaab, saacadu marka ay aheyd qiyaastii 2:15 saqdii dhexe ee xalay, halkaasina lagu dilay 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan.

Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay meel 260-KM koonfur ka xigta magaalada Muqdisho, talaabadanna Ciidamada Mareykanka ay qaadeen, iyaga oo raacaya awoodihii uu siiyey Madaxweynaha Maraykanka.

Gaba gabadii war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka uu sii wadi doono inuu adeegsado dhammaan halbeegyada loo sharciyeeyey ee munaasibka ah si ay u ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed, ugana adkaadaan ururka Al-shabaab.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII