Doorashada Maamulka koofur Galbeed oo la sheegay inaan dib loo dhigi doonin.

0

Kulamo gaar gaar ah ayaa ka socday Magaalada Baydhabo Ee Caasimada KMG Koonfur Galbeed Saacadihii Lasoo dhaafay,islamarkaana la sheegay in Jawiga uu noqday mid shaki abuuray.

Murashaxiinta utaagan Qabashada Doorashadaas waxay muujiyeen Cabsi ah inay dib udhac ku yimaadaan Doorashada oo xilligii lagu ballamay ay labo isbuuc ka yar ka harsan tahay iminka.

Gudiga Doorashada Xubnaha ka haray oo kulan yeeshay waxaa ay ku adkeysteen inay wakhtigii loo ballamay ay Doorashada dhaceyso.

Xildhibaan Maxamed Nuur Xabiib Koonfur galbeed oo ka mid ahGudigga Doorashada ee koofur galbeed, islamarkaana ka mid ah Xubnaha gudigga ka haray ayaa sheegay in waqtii looga tala galay ay dhacayso doorashada.

17 Bishan ayaa la filayaa in Doorashada Madaxtinimada ee Maamulka Koofur Galbeed ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee Gobalka bay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here