Dowladda Britain oo la Wareegtay Hoggaanka Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dowlada talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka D-jibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi,sida ay bahisay warbahinta Dowladda Somaaliya.

Hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha Puntland.

Wuxuu sheegay in si aad ah hoos ugu dhaceen weeraradii kooxaha Burcad badeeda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.

Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si KMG ah uga caawiya Wadamada Midowga Yurub,waxaana  kaluumeesata Soomaalida ay ka cawdaan inta badan dhibatooyin ay kala kulmaan Maraakiibta Shisheeyaha ku sugan xeebaha somaaliya kuwaa oo lagu eedeeyay dhowr jeer kaluumeesi si sharci daro ah iney ka sameeyaan Xeenaha dalkeena Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII