Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay sii wadayaan Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii loo cirib tiri lahaa  Shabaab,iyadoo kaashanaysa taageerada ay siinayaan Saaxiibada Caalamka,iyo howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka oo nugul kamid ah ay heshay Warbaahinta Kulmiye ayaa lagu sheegay in Howlgaladu ay sii socon doonaan.

“Weerarada dhanka circa ah iyo howlgalada Militari ee ka socda Soomaaliya waa kuwo aad looga baaran degay,madaxdana waxay doonayaan in aan waxba la gaarsiin shacabka,weerarkasta oo dhaca,si shacabka bad baado ay u helaan”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Wasiirka Warfafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dhamaan bulshada Soomaaliyeed taageerada ay u muujiyeen ciidanka Xoogga Dalka oo wada howlgaladaasi waxaana uu yiri”

“Nuguma filna in aan dhahno waad mahadsantihiin oo kaliya tageerada aad muujiseen qarixii ka dhacay Soobe 14kii October,in la helo taageerada iyo maskasda Shacabka waa furaha guusha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab,dowladda Soomaaliyana waxaa ay wadaysaa howlgalada ka dhanka ah Shabaab,sida duqeynta circa ah si looja jawaabo mashaqadii ay Shacabka u geysteen”. Ayuu yiri Wasiir En Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybohooda kaladuwan oo kaashanaya Ciidamada Amisom ay dalka ka xoreyn doonaan Alshabaab,iyagoo sidoo kale kaashanaya Saaxiibada Caalamka.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII