Faah-faahin:-Dagaal Xalay Ka Dhacay Deegaanka Labmar 50

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, kuwa AMISOM iyo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in habeenkii xalay ahaa ay ku dagaalameen deegaanka Labmar 50 ee Gobolkaas.

Dagaalka oo ku bilowday Madaafiic ayaa la sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Labmar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose, intaas kadib waxa xigey dagaal toos ahaa oo dhaxmaray Ciidamada Dowadda Soomaliya iyo Kuwa Al-shabaab.

Goob Joogayaal ku sugan deegaanka NO-50 ayaa sheegay in ay maqleen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayeen ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, balse aysan sheegi Karin qasaaraha soo kala gaaray.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab iyo Taliska  AMISOM Wali kama aysan hadlin dagaalka Xalay ka dhacay deegaanka Labmar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII