Faahfaahin Qarax Gaari Lagu Xiray Oo Ka dhacay Muqdishu

0

 

 

 

Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay muqdishu Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa dhaawac fudud uu soo gaaray kadib markii uu qarxay gaari ay la socdeen oo marayey galabta wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in meel aan ka fogeyn Saldhiga degmada Waaberi uu ku qarxay gaarigan oo noociisu ahaa nooca laba shireyda ah ee Soomaalidu u taqaano qooqan.

Labada qof ee ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa dad shacab ah ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho. lamana oga waxay ahaayeen.

Qaraxa ayaa ahaa gaariga loogu xiray dadkii watay ayaan la ogeyn waxay ahaayeen iyo sababta keentay in gaarigooda qarax lagu soo xiro.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray oo weli goobta yaalla ayaaney waxyeelo weyn soo gaarin, marka la eego qaraxyadii la midka ahaa ee horey u dhacay, iyadoo qaraxan uu ahaa mid aan sidaa u weyneyn.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here