Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Kulan Deg Deg Ah Yeeshay

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu magaalada kismaayo kulan kula qaatay golaha wasiirada maamulka Jubaland,iyadoo kulan looga hadlay arrimo dhowr.

Kulanka uu shir guddoominayeyMadaxweyne Amed madoobe ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada amniga ee deegaanada uu maamulo jubbaland iyo sidii al shabaab looga saari lahaa deegaanada ay gacanta uga hayaan.

Sidoo kale shirka waxaa looga hadlay arrimo ay mid ahaayeen xiisadaha kacsan ee ka jira Gobolada Gedo iyo jubbada hoose,halkaasi oo ay maalin ka hor ka dhaceyn banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka jubbaland iyo arrinta la xiriirta markab dhuxul oo ku xayiran dekada kismaayo,kaasi oo muran isqabqabsi ah ka taagan iyo arrimo kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulan ka hadlay ayaa waxa uu amar ku bixiyay la xiro Ciidamo ka tirsan Daraawiishta jubblanka oo ku sheegay in weerar ay ku qaadeen xarunta Ciidamada nabadsugida jubbland,waxa uu sheegay in halkaasi ay kala baxeyn Askari ayaga ka tirsan,kadiba halkaasi uu ka dhacay dagaal.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah Askartaas xiranyihiin ,isla markaana la sharciga la marsiin doono.

Dhinaca kale waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa qeyb ka ahaa bandow la saaray Xaafadda uu ku yaallo Xabsiga Nabad Sugidda Jubaland oo loo diiday in xiliyadii habeenkii ah ay dadka socdaan.

Ugu dambeyn kulanka ay yeesheen golaha wasiirada jubbaland ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday muranka ka taaqan markab ku xayiran dekada Magaalada Kismaayo,iyo xaaladaha kacsan ee ka jira Gobolada Jubbada hoose iyo gedo,kuwaasi oo lagu eedeeyay in dabada ay ka riixeyo dowlada federalka Soomaaliya.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here