Gudoomiye Barlmaanka FS maxamed Mursal oo qaabilay xubno ka socda Beesha Caalamka

0

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda UNDP iyo UNSOM.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horeyn la kulmay wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya H.E. Jocelyn Mason iyo madaxa arrimaha doorashooyinka ee hay’adda UNDP Mary Cummins.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa la kulmay sii hayaha madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) H.E. Raisedon Zenenga.

Dhamaan masuuliyiintii uu la kulmay guddoomiye Mursal waxa ay ka wada hadleen shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka, xoojinta wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, taageerada dhaqaale iyo midka nabadgalyo oo ay Soomaaliya u baahan tahay.

Masuuliyiintan ka socday hay’adda UNDP iyo UNSOM ayaa guddoomiyaha golaha shacabka la wadaagay barnaamijyada hormarineed oo ay ka wadaan guud ahaan dalka iyo sida ay diyaarka ugu yihiin taageerida iyo hormarinta xafiisyada kala duwan ee golaha shacabka.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here