Gudoonka Barlamaanka oo wasiirada cusub ugu gooday in aan la marsiin doono hadaan xilalka uu dalbaday la siin iyo wasiirda cusub ee la magacaabaayo oo qofkii laga rabo saxiixa 5 xildhibaan

Waxaa marba marka ka danbeysa cirka isku sii shareerayo qilaafka u dhaxeeyo gudoomiyaha Baralamaanka Soomaliya mudane Jawaari iyo Ra iisal wasaraha Soomaliya mudan Kheyre kaa oo ku saleysay magacaabida wasiirada cusub .


Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa doonaayo sidoow dowladii hore uga bartay in wasiirada qabiilkiisa ka soo jeedo uu soo xulo isaga taana waxaa siweyn u diidan Ra iisal wasaraha oo isagu doonaayo in uu soo dhiso golo wasiir oo tiim ah oo si wangsan u wada shaqeyaan

taana waxaa siweyn u diidan gudoomiyaha Barlamaanka oo isagu sheegay in uu isbaaro u dhigan doono Barlamaanka gudahiisa waxuuna ku goodiyey aan la meel marin doono hadaan wasiirada la soo xulaayo wax laga siin

Si culeyska looga gudbo waxaa uu Ra iisal wasaraha uu wasiirada cusub uu soo xulaayo ku war galiyey in uu wasiir kasta uu magacaabaayo la yimaado 5 xildhibaan taa oo ka dhigeysa 25 wasiirk oo 5 xildhibaan kiiba la yimaado waxayn noqonesa 125 xildhibaan waxaa harayo oo kaliya 9 xildhibaan in ay maraan golaha Barlamanaka

Si kastaba ha ahatee waxaa moodaa in wali xildhibanaad u taalo isbaarooyionkii ay dowladii hore u dhigan jireen waxaase mooda wali in aysanba Soomalida u bisleen in ay noqdaan dowlad awood leh oo aduunka la jaan qaado

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII