-Haweeney Lagu Dilay Xeebta Liido Ee Magalada Muqdisho

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Nin ku labisnaa dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kadibna uu goobta isaga baxsaday sida uu Radio Dalsan u sheegay qof goobjoog ka ahaa xiligii uu falka dilka ah dhacayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka soo baxay dukaan uu alaab ka soo iibsaday,isla markaana gabadha ay iyana ka soo baxday mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Liido uu la hadlay balse ay ka dhega adeegtay taasi oo keentay in uu rasaas ku furo isla goobtiina ay ku geeriyooto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay la socdeen gabdho kale balse ay goobta ka carareen kadib markii la dilay gabadhii la socotay,iyada oo ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Cabdul Casiis kuwaas oo Meydkii Gabadha geeyey Xarunta CID-da ee Magalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dilka Gabadhaas,iyada oo Booliska degmada Cabdul Casiis ay baadi goob ugu jiraan in ay Gacanta ku soo dhigaan ninkii ka dambeeyay dilkaas.Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabadha ninka dilay uu yahay walaalkeed.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII