Ilhaan Cumar oo sheegtay in Kumanaan qof oo Soomaali ah lagu dilay Howlgalkii Mareykanka ee Somalia

0

 

 

 

 

 

Qoraal ay Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka soo dhigtay Twitter-keeda bishii October ee sannadkii 2017-kii ayaa waxaa dib u soo bandhigay Saxafi lagu magacaabo John Rossomando, waxayna kaga hadashay khasaarihii ka dhashay dagaalkii Milliteriga Maraykanka ee taageerayeey Hawlgalkii QM ee UNSOM II iyo Taageerayaashii Marxuum Jeneral Maxamed Faarax Caydiid ku dhex maray magaalladda Muqdisho.

Waxay Twitterkeeda ku sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka dileen Kumanaan Soomaali ah intii lagu guda-jiray Hawlgalkii Black Hawk Dawn” ee bishii October 3-dii ilaa 4-dii ee sannaadkii 1993-kii.

Ilhaan Cumar waxa uu qoraalkeeda jawaab celin u ahaa qof isticmaala Barta Twitter-ka oo magaciisa ku soo koobay Joshua, balse cinwaanka uu ku soo galo Twitter-ka yahay @j_w_84 oo ada u muujiyey in ka badan Tobaneeyo Askar Maraykan ah lagu dilay, 73 kalena lagu dhawaacay Dagaalkii ka dhacay magaalladda Muqdisho.

Qofkaasi waxa uu sii raaciyey inuu Dagaalkii Muqdisho ahaa weerarkii Argagixiso ee ugu xumaa ee Taariikhda Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Ilhaan Cumar waxay qoraalkiisa ku sheegtay been abuur, waxayna muujiysay inay Askarta Maraykanka dileen Kumanaan Soomaali

“Xusuustiisa aadka u taxadarka badan, waxa uu xitaa illaabay inuu ka hadlo Kumanaanka Soomaalida ee ay Milliteriga Maraykanka dileen maalintaasi” ayey Ilhaan soo tweet-garaysay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here