Imaaraadka Carabta oo ku xadgudubtay Cunaqabateynta Soomaaliya

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in ay si cad ugu Xadgudubtay Cunaqabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya sidda lagu shaaciyay warbixin hor dhac ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey loo gudbiyay.

Telefishinka Al-Jazeera ayaa helay qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea waxaana sidoo kale dowladda Iraan lagu eedeeyay in ay maalgaliso Shabaab.

Tilaabooyinka lagu heysto dowladda Imaaraadka Carabta waxaa qeyb ka ah arrinta dhismaha sharci darada ee Saldhigga Milateriga uu ka sameysanayso Berbera ee Somaliland, arrinta dhoofinta Dhuxusha oo Imaaraadka Carabta loo suuq geeyo.

Warbixinta ayaa shaacisay  hub iyo qalab milateri laga qabtay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ka yimid dhanka Yemen, waxaana la sheegay in hubkaas laga soo iibiyay dalalka Bulgaria iyo Serbia, oo markii la weydiiyay ay sheegeen in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka iibsadeen

Warbixintan cusub, ee ay soo daabacday Al-Jazeera waxaa ku jiray in Iran ay dhuxul ka qaadato Al-shabaab iyaga oo ku dhejiya shahaadooyin been ah oo la xiriira dalka ay ka timid si looga gudbiyo dekadaha Imaaraadka.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay Marka dhuxusha ay gaarto Iran, dalkaasi uu dib u geliyaa baakado cusub, iyaga oo ku qoraayo in dhuxusha laga soo saaray Iran, una iib geeya Imaaraadka Carabta.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here