Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo Maanta Bilaabanaya

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maanta oo sabti ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka Bisha May ayaa waxaa lagu wadaa in deegaanada Puntland uu ka si rasmi ah uu kaga bilowdo Imtixaankii Shahaadiga ahaa oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay imtixaanka Sanadkan 2018-2019 lagu qaadi doono 106 Xarumood oo ku yaalla deegaanada maamulkaasi,hayeeshee ma shaacin tirada guud ee Ardayda Imtixaanka u fariisaneyso,kuwaasi oo dhameystay Dugsiyada sare ee ku yaalla deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo u diray dhammaan Ardayda u fariisaneysa Imtixaanka shahaadiga ah,isla markaana faray laamaha amniga inay kaalin weyn ka qaataan qabsoomida Imtixaanaadka iyo inay la shaqeyaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in uusan qeyb ka aheyn Imtixaankii fashilmay ee qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo la joojiyay lana baabi’iyay,kadib markii qaar kamid ah Maadooyinka loo helay qaab qish ah.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here