Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa qarixii Otto Otto [Sawirro]

0

  7 Luuliyo, Dayniile Online: Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaarihii ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Bar Kontarool ee Sayidka islamarkaana laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa qaraxa kaddib gudaha u galay OTTO OTA oo ah Goob ay dagan yihiin Wasaaradaha arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.

Sida ay sheegtay shirkadda gawaarida gurmadka degdegga ah, in ka badan 22 qof ayaa ku dhimatay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha

Dadka ku dhintay qaraxyadaas waxeey u badnaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa goobta qaraxyadu ay ka dhaceen sida ay sheegtay wariye Kaafiya Maxamed Cilmi oo ka mid aheyd dadkii qaraxaasi ka badbaaday oo aanu ku wareysanay qadka taleefanka.

Kafia Mohammed Elmi oo ka mid ah suxufiyiinta Muqdisho kuna sugneyd goob ku dhow halka ayaa faahfaahineysa waxyaabihii ay aragtay.

“Xilligu qaraxyadu ay dhacayeen waxaan ku sugnaa meel dhowr boqol oo tillaabo u jirta, waxaa is qabsaday uuro iyo qiiq, dadka dhintay waxeey u badnaayeen kuwa waddada marayey, waxaa rasaas isweyaarsaday kooxihii qaraxa waday ïyo ciidamada dowladda”

Dowladda waxay sheegatay in ay soo afjareen weerarka Al-Shabaab. Afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in illaa shan ka mid ah dableyda ay ku dileen goobaha ay israsaaseynta ka dhaceen.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here