Kenya Ciidamadeeda oo howlgallo ka wadda Xuduudka Soomaaliya

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa howlgallo culus waxa ay ka waddaan xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan , waxaana howlgalladaasi lagu baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu xaqiijinaayo amaanka Xuduudka labada dal oo inta badan Al-Shabaab ay kasoo gudbaan,islamarkaana ay Weeraro ka geystaan Gudaha Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay intii howlgalka ay ku jireen in ay soo qabteen dhalinyaro lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir laleeyihiin.

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay laba jibaaray howlgallada ay ka waddaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa Weeraro Khasaare badan dhaliyay ku qaaday dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, waxaana horraantii Bishaan Bandow lagu soo roggay degaano ka tirsan dalka kenya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII