Kenya oo war ka soo saartay Dagaalka Ceel-waaq 

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Kenya ayaa aroortii hore ee saakay oo Jimco ah waxa ay ku dagaalameen degmada Ceel-waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Dagaalkan wuxuu yimid kadib markii labada Ciidan ay kala shakiyeen, maadaama Ciidanka Kenya oo wata Saddex gaari oo nuuca dagaalka, kana babanayeen calan madow ay gudaha u soo galeen magaalada, iyada oo aysan jirin wax ogeysiis ah.

Xuseen Deyr Cadaawe oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada xoogga dalka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka uu ku geeryooday Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Gedo.

Kenya oo war ka soo saartay dagaalkan ayaa waxa ay sheegtay Ciidankooda in aysan qeyb ka aheyn dagaalka, ayna xalay Ciidamo iyaga ka tirsan ka bixin xerada ay ku leeyihiin xuduudka ay la wadaagaan Soomaaliya.

“Ciidanka Kenya wax lug ah kuma lahan, dagaalka ka dhacay Ceel-waaq, Ciidamadeena ma aysan tagin agagaarka Ceel-waaq, iska daa in ay gudaha u galaan, waxaan wadnaa baaris la xiriirta wararka sheegaya in Ciidankeena ay qeyb ka noqdeen dhacdadan.” Ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidanka Kenya.

Warkan ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa u muuqda mid ay isaga indha tireyso weerarka khasaaraha dhaliyay ee Ciidankooda ay ku qaadeen Ceel-waaq, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka oo inoo sheegay in Ciidanka Kenya kuwa weerarka geystay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII