Khilaafka dhinaca maamulka degmada Baardheere oo Cirka Isku sii shareeraya

0

Weli waxaa Cirka isku sii shareeraya Khilaafka dhinaca maamulka ah ee ka aloosan degmada Baardheere Gobolka Gedo.

Ku simaha Guddoomiyaha maamulka degmada Baardheere Aadan Siraad Maxamuud ahna Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda ee maamulkaas oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ku eedeeyay maamulka Jubbaland in iyagu masuul ka yihiin Khilaafka hareeyay degmadaasi.

Waxa uu xusay Mudane Adan Sirad in Madaxda sare ee maamulka Jubbaland ay 2 Digreeto soo kala siiyeen Masuuliyiin maamulkaasi Baardheere ka wada tirsan taas oo u muuqata iska horkeen.

Ugu dambeyn Mudane Adan Sirad Maxamud ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya dhinaca maamulka ee degmada Baardheere in miiska wada hadalka ku dhameeyaan murankooda islamarkaana aan loo baahneen gacan ka hadal oo dhibaato ku keenaya shacabka degmadaas

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here