SOMALI LINKS

Maamulka Oramayi oo ka hadlay isku dhacyadii dhexmaray Soomaalida iyo Oramada

Sawir Hore

Waxaa warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan isku dhacyo dalka Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oramada.

Afhayeen u hadlay gobolka Oramiya oo lagu magacabo Addisu Arega Kitessa ayaa sheegay in rabshadahani ugu dambeeyay ay ka dhasheen weeraro aargoosi ah oo ay dadka Oramada ku qaadeen degmo ku taalla Oramiya halkaasi oo 32 oo qof oo Soomaali ah lagu dilay.

Waxuu intaa ku daray in 29 qof oo Oramo ah ay dileen dad Soomaali gobolka Hawi Gudina iyo dagmada Daro Lebu,taasi oo uu sheegay in ay ka dhalatay in Oramada ay qaadaan weeraro aargoosi ah.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa afhayeenkan maamulka Oramiya ayaa sheegay in dowladda degaanka Oramiya ay ka shaqaynayaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay dilalka dhacay.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhankaooda ku eedeyay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Isku dhacyadani u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada ayaa laga cabsi qabaa in ay wax u dhinto ammaanka Itoobiya.

Itoobiya ayaa ah wadanka ugu wayn dhanka dhaqaalaha gobolka waxa ayna Itoobiya xiriir dhaw la leedahay wadamada reer galbeedka

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454