Madaxda Ethiopia iyo Erteya Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed oo Casuumad rasmiya ka helay Boqor Salmaan Bin C/casiis

0

Boqorka Sucuudiga Carabiy, Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa martiqaad gaar ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maalinta Axada si wadajir u tagi doona magaalada Jeddah.

Ilo diblomaasiyadee d oo ku sugan Caasimada Riyadh ee Sucuudi Carabiya ayaa waxay xaqiijinayaan in Magaalada Jeddah ee ku taalla xeebta Badda Cas uu ka dhici doono shir madaxeed seddex geesood ah oo dhex mari doona Sucuudiga, Itoobiya iyo Ereteriya.

Inta shir madaxeedku socdo labada dhinac ee Itoobiya iyo Eritrea ay kala saxiixan doonaan heshiis nabadeed, iyadoo kulanka ay goobjoog ahaan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis iyo Dhaxalsugihiisa Amiir Maxamed bin Salmaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii hore socdaal ku tagay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, waxaana socdaalkiisa la xiriiray arrimaha heshiiska nabadda ee labada dal iyo iskaashiga ka wada dhaxeeya.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay ee heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa markii u horeysay maalmo ka hor sheegay in Sucuudiga uu kaalin ku leeyahay dib u heshiisiinta dalalka Eritrea iyo Jabuuti oo u dhaxeysay colaad muddo toban sano soo socotay oo ka dhalatay muran dhuleed xuduudka labada dal ay wadaagaan.

Bishii July ee la soo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale magaalada Abu Dhabi uu ka dhacay shir madaxeed seddex geesood ah oo u dhaxeeyay Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here