Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Itoobiya

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Gondar, halkaas oo ay ugu sii gudbi doonaan Magaalada Baxad-daar ee isla Dalka Ethiopia.

Mudane, Farmaajo, ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr Cabdi, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan Saddex geesoodka ah ayaa looga hadli doonaa dhammaystirka Shir looga ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here