Madaxweyne Erdogan oo Shir Deg Deg ah Iskugu yeeray Hogaamiyaasha Dunida Muslimka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadaa Yahuudda,wuxuuna Erdogan sheegay in Go’aankaan uu gobolka Gelinayo dagaal ahli ah.

” Qaadashada talaabadan oo kale waxay gaar u tahay Gobolkaan oo dagaal lala damacsan yahay,Maxaad Jeclaan lahayd inaad sameyso talaabadan oo kale Mr Trump? Talaabo noocee ah ayaa qaadeysaa?”,madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sidaasi ka sheegay Garoonka diyaaradaha Esenboga ee caasimada Ankara waxyar ka hor intuusan u duulin Dalka Gariiga.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ah ayaa si isku mid ah uga carooday go’aanka uu Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda rasmiga ee Israel.

” Waxaa la gaaray xilligii si rasmi ah Jeruslem ugu aqoonsan lahaa caasimadda Yahuudda ”, ayuu ku yiri Mr Trump hadal uu ka sheegay magaalada Washinton ee caasimadda Mareynkanaka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Hogaamiyaasha Siyaasadda ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Nabada,wuxuuna uga digay iney Arintaan bariga dhexe ku lug yeeshaan.

Dhan kale,madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isugu yeeray Hogaamiyaasha Dowladaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ah si ay uga arinsadaan go’aanka madaxweynaha Mareynkanka uu gaaray,waxaana shirka uu ka dhacayaa magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen,oo shir jiraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in shir madaxeedka looga hadli doono Qorshaha uu Mareynkanka ka damacsan yahay in Qudus uu u aqoonsado Caasimadda rasmiga ah ee Yahuudda.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII