Madaxweyne Soomaaliya oo tacsi u diray dadkii lagu laayey weerarkii New Zealand

0

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray Madaxda Caalamka ee cambaareysay weerarkii argagaxiso ee Maanta oo Jimce ah lagu qaaday Masaajidyo ay ku cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah dalka New Zealand.

Fariin qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo ayaa uu tacsi ugu diray ehelada dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Magalada  Christchurch ee dalka New Zealand.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixisada ee naxdinta leh ee ka dhacay  Magalada Christchurch, ee dalka New Zealand, kaas oo loo geystay dadka muslimka ah ee cibaadeysanayey, waxaana ku garab istageeynaa dowladda New Zealand iyo bulshada Muslimiinta sidii ay uga gudbaan  dhibaatadaas.Waa inaanu midownaa argagixisada dhammaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Weerarkii Jimcaha Maanta lagu qaaday laba Masaajid oo ku yaalla Magalada  Christchurch ee dalka New Zealand, ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 Ruux halka dhaawacuna uu ka badan yahay.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here