Muran ka Dhashay Xabad Sigaar ah oo Sababay Geerida askari katirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Muran ku Salaysanaa Xabad Sigaar ah ayaa Sababay in uu Geeryoodo Askari ka tirsan Ciidanka Amniga ee Dagmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose Sida ay Idaacada Simba u-xaqiijiyeen Goobjoogayal ku Sugaan Halka uu dilku ka dhacay.

Wararka ka Imaanaya Dagmada Baraawe ayaa Sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Dagmadaasi uu toogtay Askari kale ka dib Markii ay ku Murmeen Xabad Sigaar ah oo mid ka mid ah uu ka soo iibiyey goob ganacsi oo ka ag-dhaweyd Bar-kantarool ay oo Askartaas ay ku sugaaneen.

Warar ayaa intaas ku siidaya in uu Goobta uu ka Baxsaday Askariga Dilka geystay asaga oo ku Hubeysan Qorigii uu Dilka ku geystay Sida ay Idaacada Simba ay U sheegeen Mas’uuliyiinka ka tirsan Maamulka Dagmada Baraawe, inkastoo ay ka gaabsadeen faah faahin intaa ka badan iney bixiyaan

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII