Ogow Cida Dhiseysa Ciidamada Bada Soomaalya 

0

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Mudane Hulusi Akar ayaaa ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho balan qaad u sameeyay dowladda dhaxe ee Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Turkiga ayaa dib ugu laabtay dalkooda keddib wada hadallo miro dhal ah oo ay la yeesheen madaxda ugu sareysa dowladda somaaliya.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna wada hadallo labo dhinacle ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankaasi Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in Dowladda Turkiya ay sii xoojinayso dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, loogana hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay lahaa xiriir wanaagsan, oo sababay in dowladda dhaxe ay galaangalka siyaasadeed ee dowladdaha kale faraha la gasho ama cadeyso mowqifkeeda siyaasadeed ee dhinacyada is haya.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here