Puntland oo degaannadeeda ka ceyrisay madaxdii Hay’adaha Relief iyo World Vision

0

 

 

 

 

 

 

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa degaannadeeda ka ceyrisay maamulayaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha World Vision iyo Relief International.

NAPOLEON PHIRI, oo ahaa Madaxa Hay’adda World Vision ee Puntland ayaa ka mid ah dadka ajannabiga ah ee laga ceyriyay Puntland markii lagu helay musuq maasuq shaqaaleysiinta iyo iibka la xiriira.

Waxaa kale oo isna laga ceyriyay Puntland, ELSON; oo ahaa Agaasime ku xigeenka Hay’adda Relief International ayaa isaguna lagu eedeeyay musuq maasuq la mid ah midka lagu ceyriyay agaasimaha Hay’adda World Vision.

Nelson, eedaha kale ee loo heysto waxaa ka mid ah in muddo saddex jeer ah loo xiray dal ku galka oo ka dhacsan islamarkaana uu ka dhaga adeygay in uu cusbooneysiista ama muddada uu joogayo kordhisto.

Warqado ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Puntland ayaa lagu ceyriyay shaqaalaha Ajannabiga ah ee madaxda ka ahaa Hay’adaha World Vision iyo Relief ee ka howlgalayay Puntland.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here