Qaramada Midoobey oo bixisay Mushaarka Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya

0

 

 

 

 

 

 

Qaramada Midoobey ayaa bixisay mushaarka Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM kuwaas oo muddo dheer aan qaadan mushaarka ay ku lahaayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Lacagta ay bixisay Qaramada Midoobey waxaa ay gaareysaa Sh3.757 Bilyan oo lacagta Kenya ah,taas oo qeyb ka ah mushaarka Ciidanka Kenya ee 7 Bilood oo aysan mushaar qaadan.

Lacagtan waxaa si sax ah Kenya uga gaartay 10Milyan oo shilinka Kenya ah,waxaana Qaramada Midoobey ay sheegtay in afartii biloodba mar la bixinayo.

waxaa ay isugu jirtaa Mushaarka Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM, Magdhowga kuwooda ku dhintay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo waxyaabaha kale ee ay ka midyihiin sahayda iyo shidaalka.

Kenya ayaa waxaa ay Qaramada Midoobey ku leedahay lacag gaareysa Sh8.5 Bilyan,waxaana lacagta hadda la fasaxay ay 44.2% ka tahay lacagaha ay Kenya ku leedahay Qaramada Midoobey,waana mushaarka iyo magdhowga Ciidanka Kenya ee jooga SOomaaliya oo aan sanado la bixin.

Dowladda Kenya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 4,660 oo Askari,kuwaas oo Soomaaliya soo galay Bishii October sanadkii 2011kii,iyaga oo aan oggolaansho ka helin Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, waxaana labo sano kaddib ay ku biireen Howlgalka AMISOM.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here