Qarax Miino Ah Oo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Ayaa dhacay Magalada Muqdisho

0

 

 

 

 

 

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida la sheegay waxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso kaas oo lagu aasay afafaafka hore ee xero Shiino oo u dhow Xeradii hore ee Shiirkole ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Goobjooge ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in laba ruux ay qaraxa ku geeriyoodeen oo ah dhalinyaro goobta ku sugneyd,sidoo kalena laba kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaasi ay ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan cid weli ku qaban.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here