QM oo shaacisay lacagaha wax looga qaban karo Abaaraha Soomaaliya

 Qaramada Midoobay ayaa wadamada caalamka ugu baaqday in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee la dhibaatoonaya Abaaraha.

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qarmada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Raisedon Zenenga oo warbixin dheer ka jeediyay shirka Golaha ammaanka ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay in wax laga qabto.

Waxa uu sheegay markii horeba Soomaaliya in ay ku jirtay xaalad Dagaal, hadana ay ugu darsantay Abaar daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.

Raisedon Zenenga ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo lacag dhan 800 oo Million, taasi oo lagu bad baadinayo shacabka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay ku dhufteen.

“Abaaraha ka jira Soomaliya macluul ayay isku bedeleen waa muhiim in si deg deg ah wax looga qabto, 800 Million oo Dollar ayaa loo baahan yahay oo lagu bad baadinayo dadka dhibaateysan, QM waxay ku dadaaleysaa sidii ay wax uga qaban laheyd Abaaraha” Ayuu yiri Raisedon.

Mr. Zenenga ayaa sheegay in kumanaan qof ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Abaaraha ka jira Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhaqaalihii caalamku ay ugu tala galeen in ay ku caawiyaan dadka ku nool Soomaaliya aysan wali bixin cadadkii loo baahnaa.

Hadalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa kusoo beegmaya xilli Abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ay ka taagan yihiin qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII