Qoraa Baraha Bulshadda ku dhaliilay Madaxweyne Muuse biixi oo xukun lagu riday

Wararka naga soo gaaraya Magaalada ee caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Maxkamad halkaasi ku taalla ay xukun ku riday Qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo lagu eedeeyay aflagaaddo liddi ku ah Somaliland.

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa Maxamed Kayse Bigeeye ku xukuntay  hal sano iyo lix bilood, ka dib markii bogga uu ku leeyahay Facebookga uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland.

Maxamed Kayse Biggeeye ayaa la sheegay in xarigiisa iyo xukunka lagu riday saakaba uu ka danbeeyay ka dib markii uu boggiisa facebooku soo qoray erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local” waxaana in muddo ah uu ku jiray xabsiga.

Ma jiro war rasmi ah oo intii uu xabsiga ku jiray xukuumaddu ay ka soo saartay, hasayeeshee Gelinkii hore ee Maanta ayay maxkamadu xukunkaasi ku riday.

Shalay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay saddex sanno oo xarig ah ku xukuntay Niciima Axmed Ibraahim oo ka mid ah halabuurka dhallinyarada ah, taas oo lagu eedeeyay aflagaaddo ka dhan Somaliland.

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII