R.W Soomaaliya oo ka hadlay ammaanka

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa waxa uu sheegay Xukuumada in ay bilowday wax ka qabashada arrimaha Amniga.

Waxa uu sheegay Xukuumada in ay la timid Talaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo Amniga, maalmahan dambana la fashiliyay Qaraxyo lala beegsan rabay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay canshuurtii dalka laga qaadayay in ay korortay oo ay ku korortay Qasnada Dowladda, si mushaarka loogu bixiyo, wuxuuna tilmaamay in ay soo ifbaxayaan talaabooyin ifafaalo leh.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay Dowladnimada iyo hormarka shacabka in uu dhow yahay, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo, maadaama talaabooyinkii ugu dambeeyay lagu guda jiro.

Mudane Khayre ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, si ay u helaan waxyaabaha ay ka tabanayaan oo ay ugu horeyso xuquuqda Gobolka Banaadir.

Todobaadkan gudihiisa ayay aheyd markii Ciidanka ammaanka Magaalada Muqdisho ku qabteen Labo Gaari oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, waxaana Ciidanka ammaanka ay muujinayaan feejignaan dheeri ah.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII