Saaka oo Jimca ah waa maalintii toddobaad Qaraxii Oktoobar 14.

Waxaan mar kale u tacsiyeynayaa ehelka Soomaaliyeed ee qaraxii Oktoobar 14 ku waayay qof ay jecel yihiin. Samir iyo Iimaan ayaan Ilaaheey uga baryayaa.

Dadka aan waxba galabsan ee iyaga oo nolol maalmeedkooda la harjadaya sida maangaabnimada iyo arxan la’aanta ah loo dilay waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu ka waraabiyo naxariista Jannada.

 

Dhaawaca dalka gudhiisa ama dibaddiisa lagu daweynayo waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu dhakhso u bogsiiyo.

Qof kasta oo si toos ah ama si dadban gacan uga geystay howlaha gurmadku wuu ku mahadsan yahay waxaanna Ilaaheey uga baryayaa in uu ajar iyo farxad ka siiyo

Wasiirka arimaha dibadda Somaliya yuusuf Garaad

Dhageyso warka maanta

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka 001 7128328110

English News
WARARKII