Askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo isku diley Muqdisho

0

 

 

 

 

 

 

 

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Uganda ayaa isku diley magaalada Muqdisho kadib markii uu askari kale oo saaxibkiis ah diley.

Dilka askartan ayaa waxaa xaqiijisay Wasaarada Difaaca dalka Uganda hase yeeshee ma shaacin wasaarada magacyada labad askari ee is dishay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Uganda Richard Karemire ayaa ka gaabsaday faahfaahinta sheekadan inkasta oo uu xaqiijiyay in ay sax tahay baaritaanna ku hayaan.

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan AMISOM ay isku disho dalka Soomaaliya hase yeeshee dhowaan ayaa afar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta dalka Uganda ay isku dileen magaalada Muqdisho.

Sababaha ay isu dilaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa waxaa ay salka ku hayaan duruufaha nolosha iyadoo xagga maskaxdana ay dhibaato ka soo gaarto.

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 3603984282

TEL Maraykanka 3603984282

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here