Warka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Garoonka Muqdisho lagu qabtay Shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah.
Qoraal la soo dhigay Barta twitter Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in laba ruux falkaas loo qabtay,isla markaana raggaasi uu u sahlayay gudbinta Garoonka Mudane ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Hay’addu ma shaacin Magaca Xildhibaanka balse waxa ay sheegtay in loo gudbiyay hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.
Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka, “”Mudane ka tirsan golaha shacabka”” Ee BF.
Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon.
Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624
TEL Maraykanka 7127755624
Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.
Email: dayniilewb@gmail.com
TEL 00252618895064