Shiikh Cabduqaadir Cali Muumin Oo Noqonaayo Hogaamiyaha Guud Ee Daacish

Dad qabiiro ah oo ka faalooda siyaasada arrimaha carabta ayaa sheegey in hogaamiyayaal badan oo ka tirsan Dowladda Qilaafada Islaamka sheegatay   ee Daacish ay doonayaan in ay ka faa’iideysataan dhimashada Hogaamiyihii hore ee Kooxdaasi oo la aaminsanyahay in uu geeriyooday kadib markii dowladaha Ciraaq iyo Syria ay sheegteyn in  ay dileyn Abubakar Albaqdaadi.

Iyadoo laga shidaal qaadanaayo ka adkaashaha Daacish looga adkaatay Syria, Ciraaqna maalmo ay kaga harsanyihiin in lagaga adkaado sida dowladda dalkaasi ay sheegatay waxaa la isla dhexmaraayaa in Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Ninka Lagu Magacaabo  Abduqaadir Cali Muumin oo doonayo in uu hormuud u noqdo qilaafada Islaamka ee Daacish maadaama meelihii ay ku xooganaayeen lagaga adkaaday oo soomaaliya xoogaa awood yar ay ku leeyihiin.

Muumin ayaana la aaminsanmyahay in uu qaban karo hogaanka sare ee daacish oo uu yahay hogaamiyaha kaliya ee buuxin kara booskii uu baneeyey Abuubakar Albaqdaadi.

Qabiir ka faalooda arrimaha argagixisada oo lagu magacaabo Professor Candyce Kelshall ayaa sheegay in  Muumin uu hogaamiyayaasha ugu sareeyo Daacish u diraayey fariimo uu ku dalbanaayey in uu hogaanka u qabto Daacish Soomaaliyana ay noqoto meesha Qilaafada Islaamka laga hago.

Cabduqaadir Muumin markiisa hore waxa uu imam ka ahaa masjid ku yaallo Britain waxaana uu dalkaasi iskaga soo cararaysanadkii 2010 xiligaas oo uu ogaaday in sirdoonka Britain ee MI5  ay baaritaan xoogan ay ku haayaan kadib markii ay kaga shakiyeen in masjidkuu imaamka ka ahaa uu ka waday wacdin ay ku sheegen marin hawaawin.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII