Shirar ka socda Baydhabo iyo Xildhibaano eedeeyay dowladda dhexe.

0

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ,xubno ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Musharaxiinta qaar ayaa wali ka socda Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kulamaddan ayaa looga hadlaya sidii doorashadda Koonfur Galbeed ay ugu dhici laheyd si wanaagsan oo Musuq maasuq ka madax banaan.

Xubnaha ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa ka codsaday Gudiga doorashadda in ay ka qabtaan doorasho Xalaal ah oo ay ku qanacsan yihiin Musharaxiinta xilka Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Xildhibaano ka mid ah Golaha Shacabka oo Baydhabo ku sugan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay wali faragalin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in ay joojiso dowladda dhexe faragalinta ay ku heyso maamulka Koonfur Galbeed,hadii kale ay qaadan doonto wixii ciqaab ah oo ka dhasha

Untitled Document

Ka Dhageyso War Dag Dag Ah Mobile-kaada 001 7127755624

TEL Maraykanka 7127755624

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here