Thaabit oo ka hadlay dhaawacyadii dalka dibaddiisa loo qaaday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dacayaad ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalka dibadiisa la geeyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’addaha Dowladda ay kula Xisaabtamayaan dhib walbo oo ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalalka qaar la geeyay.

Waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay masuuliyad gaar ah ka saran tahay ka warqabka dadka dalka dibadiisa la geeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ee dalalka qaar ee dhaawacyada loo qaaday ka codsaday iney ka warqabaan islamarkaana ay caawiyaan dadka dhaawacyada ah ee la geeyay dalalka ay ku sugan yihiin.

Hadalka Guddoomiye Thaabid ayaa imaanaya Xilli daryeel Caafimaad iyo ka warqab wanaagsan aysan helin qaar ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka dibadiisa gaar ahaan dhaawacyadii dowladda qadar ay geysay dalka Suudaan.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII