Trump oo erayo laga haboon yahay ku tilmaamay Afrika, Haiti iyo El Salvador

Madaxweynaha Mareykanka Donald TrumpMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa erayo laga haboon yahay waxa uu ku tilmaamay wadammada Afrika, Haiti iyo El Salvador, mar uu gaashaanka u daruurayay heshiis dhanka socdaalka ah oo ay labada xisbi ee waa weyn ee dalkaasi ay isla ogolaadeen.

Mr Trump ayaa xildhibaano uu kula shiray Aqalka Cad waxa uu waydiiyay sababta Mareykanka uu dad uga soo qaadanayo wadammadaas.

Isagoo sheegay in Mareykanka ay tahay inuu dad ka soo qaato sida waddanka Norway halkii wadammadan kale dad laga soo qaadi lahaa.

Madaxweyne Trumo ayaa markii la doortay horey uga dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah “si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka”.

Wuxuu saxiixay amar ku aaddan tallaabooyin laga qaadayo qaxootiga iyo mamnuucidda qaxootiga Suuriya illaa amar dambe.

Sidoo kale waxaa amarka ka mid ah in lla weydiiyo dadka Mareykanka galaya su’aalo “lagu ogaanayo sida uu codsiga noqonaayo iyo waxa uu ku soo kordhinayo bulshada”.

Halkaan ka dhageyso wareysiga

Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed 

Mareykanka 001 7124326996 

United kingdom 00443306061358

Sweden 0046840308879

Soth AFrica 0027121003058

Norway 004721939528

Belgium 003225887027

Australia 0280725143

Ausria 4312675954

RIIX Number 8 Kadibna 5454

English News
WARARKII